Sidee u dhacay Musuq-maasuqa doorashadii Gollaha degaanka ee Puntland?

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa 25-kii October dadka deggan saddex degmo oo Puntland ka tirsan ay u dareereen codbixinta doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayay goleyaasha deegaan markii ugu horreysay taarikhda Puntland oo 23 jirsatay.

Dagmooyinka ay ka dhacday tijaabada horudhaca ah ayaa kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn, oo katirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari.

Doorashadan waxaa loo kala codaynayey sideed urur siyaasadeed oo ku tartamay golayaasha deegaanka saddexda degmo, waxayna hordhac u tahay doorasha guud oo ka dhacaysa dhammaan degmooyinka Puntland sanadkan soo socda hadii laga gudbo caqabadihii iyo musuqmaasuqii hareeyey doorashadaan tijaabada aheyd.

Waxaa codeynta ka qeybgalayay qaar ka tirsan dadkii iska- diwaangeliyay misana qaatay kaarka codbixinta.

Doorashadan oo aheyd nooca loo yaqaan liistada xiran waxaa ka qayb galay codeynteeda dadka miiyga ku nool iyo kuwa ku nool magaalooyinka, kuwa aan wax akhrin ayaa markii hore lagu heshiiyey in caawinaad ka helaan wakiilada guddiga doorashada goobaha codbixinta iyo wakiilada ururada siyaasada.

Caawinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sida xogaha Garowe Online ka heley qaar ka tirsan saraakiisha ururada si ba’an loo musuqmaasuqey- misaal ahaan heshiiska ayaa ahaa in dadka baahiyaha ka tirsan la caawino balse ururada qaar oo iibsadey codadka dadka ayaa ka dalbadey qof walba oo u codeynaya inuu yiraahdo caawin Ayaan u baahnahay marka uu soo istaago goobta codbixinta, si markaas wakiilka ururkaas qofka ula galo qolka codbixinta uguna soo xariiqo xisbiga uu u codeynayo, talbadaas ayaa TPEC gabi ahaanba joojin waxayna taasi Meesha ka saartey xuquuda qofku u leeyahay in coodkiisu yahay qarsoodi taas oo ah mid Dastuuri ah.

Ururada oo kala ah Horseed, Mustaqbal, Ifiye iyo Runta & Cadaaladda [Runcad] ayaa cambaareeyay meel marinta natiijada doorashada, iyagoo sheegay in xad gudubyo waa-weyn ay dhaceen intii ay socotay doorashada saddexda degmo kuwaas shaki galinaya natiijada doorashada.

Waxay sheegeen in doorashada ay hareeyeen arrimo ay kamid yihinin; laaluush, cod kala gadasho, cago-juglayn, adeegsiga hantida dowladda, urursashada Kaararka codbixinta iyo in degeenada doorashada ka dhaceysay loo soo daabulo shacab degan magaalooyin kale.

“Guddiga Doorashada KMG ah ee Puntland ayaa rajadii laga qabey inuu is-hortaago musuqmaasuqa iyo is-daba-marinta bareerka aheyd ee ka dhacdey doorashadii Tijaabada aheyd ee laga qabtey Sadexda degmo waxay shaki galisay inuu sii wadi karo ama awood u leeyahay qabashada doorashooyinka golyaasha degaanka 47 degmo ee hartey.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xubin ka tirsan urarada sheegey in musuqmaasuq ka dhacey doorashadii sadexda degmo.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa meel-fagaare ah ka sheegay dhawaan in adeegyadii bulshadda, gaar ahaan kaararkii mucaawinada ee loogu tala-galay dadka danyarta in ururada qaar ay ku galeen ololaha doorashadda, islamarkaana ay dadka masaakiinta ah codad uga bedesheen.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee laga qabtey Sadexda degmo “Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa guud ahaan dadkii is-diiwaangaliyey waxay ahaayeen 46,187 qof halka dadka soo gaarey goobaha codbixinta Sadexda degmo 25 october ahaayeen 28,854 qof. Degmada Qardho oo markii hore iska diwaan galiyeen 24,921 qof ayaa waxaa ka codeeyey 15,343 halka 1,379 qof codadkoodii xumaadeen.

Degmada Eyl oo inta badan dadka ku nool degaanka miyiga ee ku hareereysan dagan yihiin ayaa waxaa iska diwaan galiyey guud ahaan 11,364 qof. Dadka soo xaadirey oo yimid goobaha codbixinta 6,766 qof halka codkoodu xumaadey 1,360 qof taaas oo ka dhageysa tirade guud ee codeysay 5,366.

Ufeyn waxaa iska diwaan galiyey 9,902 qof waxaa goobta codbixinta yimid 5,366 halka codadkoodii xumaadeen 627 qof. Khubarada ku xeelka dheer qabashada doorashada ayaa ku sheegey tirooyinka soo baxay iney ka tarjumeyaan wacyi galin la’aan ku dhacdey dadkii is-diiwaan galiyey iyo kuwii kaararka.

Dad badan ayaa rajeynayey in doorahsadan hor dhaca ah ee ka dhacday Puntland ay gogol xaar u noqon karto doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya in ka badan 50 sano kadib balse hadaan laga gudbin caqabadaha jira waxay qarka u saaran tahay in albaabkaas shacabka Puntland markale ka xirmo.

Daawade taladaada ka dhiibo sida looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee hortaagan sidii doorasho looga qaban lahaa 47 degmo adigoo dhinacyo badan ka eegaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM