Siyaasiyiin ka baxdey Urur Siyaasadeedka Mideeye

Image

GAROWE, Puntland - Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka baxday urur siyaasadeedka Mideeye ee kamidka ah ururada ka jira Puntland iskuna diyaarinaya in ay ka qeybgalaan doorashooyinka dowladaha hoose ee soo aadan.

War qoraal ah oo ay soo saareen siyaasiyiintan tiradooda ay gaareyso 23 ayaa waxay ku fahfaahiyeen qodobada ay u cuskadeen faarujinta doorkooda xubinimo ee Urur siyaasadeedka Mideeye.

Gudoonka ugu sareeya ururka ayay ku eedeeyeen in uu is-hortaagay xal waara oo loo helo khilaaf muddo soo jiitamayey kaasoo u dhaxeeyay xubnaha ururka oo isugu jira kuwa dalka jooga iyo qurba-joog.

"Haddii xalkii adkaadey, rajana ka muuqan weyday xaggii guddoonka, 23-kayaga aas-aase ee hoos ku qoran waxaan dacwo u gudbinay TPEC, dacwadaas oo si qodobeysan tifareysay howlaha dastuuriga iyo mabaadi'da ee guddoonka Mideeye ka gaabiyey iy ficilada ee danta guud ee Puntland wax u dhimaya oo ay ku talaabsadeen," ayay ku qoreen bayaanka.

Bishii May 17-keeda sanadkan 2021 ayay ahayd markii warsidaha Garowe Online uu daabacay maqaal dheer oo uu uu uga hadlayo khilaafka ka dhex-jira hogaanka ururka Mideeye iyo xudunta kala qeybsanaantaasi.

Khilaafka ayaa soo bilowdey August, 2020 kadib markii garab ka tirsan ururkaan waraaq ay ku taageerayaan kulankii Dhuusamareeb 3 kaas oo ganafka ku dhufteen maamulada Puntland iyo Jubaland.

"Kadib markii waraaqdaan soo baxdey waxaa kulan degdeg ah isugu yimid aasaasayaasha ururka waxaana su'aalo la iska waydiiyey sida arintaan ku dhacdey, balse garab kamid ah ay hurmuud u yihiin xubnaha Loo doortey golaha fulinta ayaa diidey in laga noqdo," sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xogogaal ka gaabsadey in aan magaciisa xusno.

Garabka ka tirsan aasaasayaasha ururka ayaa dacwadaan dar-dar galiyey iyadoo lagu jiro howlihii diwaan galinta codbixiyaasha. Puntland ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah oo loo asteeyay dhamaadka October.

Hoos ka akhriso qoraalka ururka

No photo description available.

May be an image of text that says 'guud sumcadda geeddi-socotka hannaanka demoqoraadiyadda Puntland wax yeela, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 10ka July 2021 ka baxnay Ururka Mideeye xubinnimadiisii Asaase iyo Gole Dhexeba. Mahadsanidin Magacyada Mohamed Abdinur Hersi Ali Warsame Abdnasir Osman Cuuke Mohamed Yusuf sse Mohamed Osman Ali-maaad Sharmarke Sh. Warsame Ahmed Abdulle Waranjaan Mohamed Ali. 10 Abdı Hersi Ali-Qarjab Abshi aydiid Abdullah Abdirashid Abdullahi Ahmed Abdulle-Qodax 14 Muse Birmil 15 Ubah Hashi Farah (Cambar) Mohamed Farah Nuh Abdikarim Hussein Guure Mohamed Abdiweli 20 Abdirizak Mohamed Mohamud 21 Abdille Hassan Mohamud-Qoryaliqe 22 Hussein Abdullah Khalif 23 Mohamed Hoosh Indhacadde'

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM