Soomaaliya: Baarlamaanka Puntland oo gaarey Go'aan sii hurinaya xiisadda

Image

GAROWE, Soomaaliya - Fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta looga hadlay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka qodobo kamid ah dastuurka.

Baarlamanka ayaa ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland, waxaana go'aankaan u codeeyey 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane.

Wax ka baddalaka ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah, iyo sido kale in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo.

Baarlamanka Puntland, ayaa sidoo kale kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu hore u ahaa hal dheeri. Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah.

Magaalada Garowe ayaa laga dareemayay maalmihii lasoo dhaafay degenaansho kadib dhaxdhaxaadin ay wadeen Ismida dhaqanka kuwaas oo kulamo la qaatey dhamaan dhinacyada is heystaa si ay uga hortagaan isku dhacyo hubeysan.

Iska hor imaad ayaa bishii hore ka dhacay magaalada, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo dhinacyada is diidan ay isku khilaafeen qodobada maanta la ansixiyey.

Lama oga sid xaaladda noqon doonto, maadaama saamileyda siyaasadda Puntland ay ku kala qeybsan yihiin furista Dastuurka, oo lagu soo beegay xili xasaasi ah oo doorashooyinkii Gollaha degaanka aan u dhicin si loo dhan yahay, islamarkaana mida Madaxweynaha Jan. 28 ay ku jirto hubanti la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM