Soomaaliya: Buuq hareeyay fadhigi Barlamaanka Puntland.

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Puntland oo Maanta lahaa fadhigoodi caadiga ahaa ayaa qorshuhu ahaa in ay ka hadlaan arimaha Deegaanka.

Hase ahaate mudanayaasha Gollaha xubno kamid ah gaar ahaan Xildhibaan, Axmed Jaamac Daad oo ay isku qoys yihiin Madaxweynaha xilka kasii dagaya, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa keenay dood ah in laga hadlo Amniga Caasimada Garowe.

Mudanayaashan kooban ayaa ku dooday in ay doonayaan in fadhiyada Barlamaanka laga raro Garowe, islamarkaana loo wareejiyo magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Xildhibaanada ayaa kala ah: Axmed Daad, Dhaashane, Sharmaake, Abdirashiid Af-Guduud, iyo Cali Cabdiwaaxid.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dadaal ku bixinaya in uu fadhi ka dhigto Qardho halkaasi oo sida la rumeysan yahay uu doonayo in uu ka meel mariyo doonistiisa muddo kororsiga.

Gollaha wakiilada dowladda Puntland oo uu saldhig u ahaa caasimada Puntland ee Garowe rubuc qarni ay Puntland jirto horey looma keenin dood noocaan ah.

Fadhiga ayaa ku dhamaaday buuq kedib markii ay dood kala hortageen mudanayaasha Gollaha ee diidan qodobkaan.

Kulamo u socday Madaxweynaha ay bilooyinka uga hareen mudada xilhayntiisa Dastuuriga ah iyo Isimada ayaan wali laga soo saarin war rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM