Saciid Dani oo ruqsado sharci daro ah siiyey maraakiib ajnabi ah

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona magacyada shaqsiyaadka Madaxweynaha Puntland siiyey ruqsadahaan

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkisu ka dhiman tahay 10 bilood Siciid Cabdulahi Dani kaasoo in dhoweyd u soo jeestey howlo ganacsi shaqsiyaydeed ayaa ruqsado kaluumeysi oo sharci daro ah siiyey shaqsiyaad dano siyaasadeed uu ka leeyahay iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, sidaas Garowe Online waxaa u shegeey Ilo xogogaal ah.

Ruqsadaha kaluumeysi oo sharci darada ah ayaa la siiyey shirkado laga leeyahay dalal  shisheeye. Tirada Markiibta isticmaaleysa ruqsadahaan ayaa lagu sheegey 65 “Markab” kuwaasoo 35 kamid ah hadda ku jiraan xeebaha Puntland. Dalalkaan ayaa mudadii dalka Soomaaliya ku jirey burburka dowladeed caadeystey iney bililiqeystaan khayraadka badeedada. 

Sida xogtaan sheegeyso waxaa talaabadaan walaac ka muujisay dowlada Fedraalka gaar ahaan Wasaaradeeda Kaluumeysiga, waxayna cabasho u gudbisay safaaradaha dalalkas ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in iyadoo lagu jiro xiligii kaluunka Tunada “Tuna Harvest “ kaasoo mara xiligaan xeebaha Soomaaliya in halkii Markab uu muddo 45 cisho ah kala bixi karo xeebaheena kaluun qiimahiisa lagu qiyaasey Hal million dollar halka sida warbixintaan sheegeyso Madaxweyne Dani iyo kooxdiisu heshiis lacageed kula galeen in Markabkiiba ka qaataan 200,000 dollar midkiiba.

Dhinaca kale Wasaarada Kaluumeysiga Puntland ayaan war ka hayn heshiiskaan iyadoo sharci ahaan aheyd in golaha xukuumada laga ansaxiyo hehsiiskaan islamarkaana Barlamanka Puntland la horgeeyo.

Dowlada Mareykanka ayaa dhinca kale walaac ka muujisay talaabada markiibta sharci darada ah Madaxweynaha Puntland ku soo galiyey xeebaha Puntland.  Dhowaan ayay aheyd markii koox ka tirsan hay’daha amniga Mareykanka Madaxweyne Dani kula kulmeen garoonka diyaardaha Boosaaso kuwaas oo wax ka waydiiyey arimo la xiriira ruqsadaha sharci darada ah ee uu baxshey.

Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona magacyada shaqsiyaadka Madaxweynaha Puntland siiyey ruqsadahaan kaluumeysiga ee sharci darada ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM