Soomaaliya: Fahfaahin cusub oo laga helay markabka la qafaashay

Image
Mas'uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

GAROWE, Puntland - Sideed iyo toban shaqaale ayaa saarnaa markabka weyn ee Ruen ee biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya, sidda uu sheegay Midowa Yurub.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn.

Ciidamada EUNAVFOR ayaa tibaaxay in ay kala shaqeynayaan mas'uuliyiinta Soomaalida sidii loosoo furan lahaa markabka la afduubay Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray in haybta iyo dalabaadka afduubayaasha ay weli tahay qarsoodi.

Haddii la xaqiijiyo in falkan ay geysteen burcad badeed Soomaali ah, waxa ay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas'uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaalad ammaan ee badda ay ka jirto Badda Cas markii Xuutiyiinta Yemen ay begesadeen maraakiibta ganacsiga iyaga oo taageeraya Xamaas ee Gaza.

Dhanka kale, shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM