Soomaaliya: Khasaaraha Ciidanka Somaliland ee dagaalkii Goojacadde

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista ciidamada Somaliland ee gacanta maamulka SSC- Khaatumo kujira ay gaarayaan in ka badan 200 oo Askari.

Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Awcali "Firdhiye" oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa xaqiijiyay in gacantooda ay ku jiraan in ka badan 250 Maxaabiis Dagaal.

Somaliland ayaa wali shaacin tirada askarta looga dilay dagaalkii Goojacadde Jimcihii ka dhacay, iyo maxaabiista looga qabtay oo uu ku jiray taliyihii saldhigga Faysal Cabdi Bootaan.

Faysal ayaa mas'uul ka ahaa duqeymihii Laascaanood, oo dad badanoo shacab ah ku dhimatay, sidoo kalena barakicisay kumanaan dad ah.

Muuse Biixi ayaa sheegay in khasaaraha kasoo gaarey Goojacadde uu yahay midkii ugu weynaa oo soo gaaray Ciidankiisa mudadii 8da bilood ee dagaalka uu socday.

Askarta Somaliland looga dilay dagaalka ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 200, iyadoo dhaawacaya uu aad u badan yahay.

Dhanka kale Saraakiisha Bisha Cas ayaa hawlo Meyd aruurin ah ka sameeyay goobihii lagu dagaalamay iyada oo warar madax banaani sheegayaan inka badan 200 meyd ah in goobaha laga qaaday.

Baabuurta iyo hubka culus ee Somaliland dagaalka looga qabsaday ayaa gaaraya 150 gaari sida uu maamulka SSC-Khaatumo sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM