Soomaaliya: Maxaad ka Ogtahay Lacagtii uu Deni bixiyay habeenkii doorashada 2019?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa socdaal lagu tilmaamay mid" ismaahin" ah ugu maqan dalka Isutagga imaaraatka Carabta.

Deni oo lagu tilmaamo " Hogaamiye Musuqa ku xeeldheer" ayaa waxaa soo shaac baxaya in uu dhaqaale aan tiro lahayn bixiyay xiligii ololaha doorashada 2019.

Mid kamid ah mudanayaashii Barlamaanka Puntland ee horey balse aan haatan ku jirin golaha ayaa u sheegay GO " habeenkaas wuxuu bixiyay Deni dhaqaale ka badan 7 milyan oo dollar".

Guud ahaan dhaqaalaha habeenkaas baxay ayuu ku qiyaasay " 13 milyan oo dollar".

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay sameeyay gadood gobalada Bari, Sanaag iyo Nugaal kedib markii ay waayeen mushahaarka iyo xuquuqdii dhawr bil xilli madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo uu ugu maqan yahay Imaaraatka booqasho aanay cidna ku wehlin

"Wuxuu aruursanayaa xoolihii shacabka umana jeedo cabashada ciidamada iyo shacabka" ayuu u sheegay Garowe Online mid kamid ah barayaasha jaamacadaha oo codsaday in aanan xusin magaciisa.

Caalamka ayaa ka diga musuqa ragaadiyay Soomaaliya iyada oo dowlada federaalka Soomaaliya iyo Puntland uusan xaalkeedu wanaagsanayn.

Dadka falanqeeya ayaa rumeysan in waxyaabaha Deni iyo dowlada federaalku isku maandhaafeen ay kamid yihiin arimaha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM