Soomaaliya: Mideeye oo Dacwad u gudbiyay Maxkamada Dastuurka Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa maanta oo Sabti ah u gudbiyay maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland dacwad ka dhan ah furista dastuurka dowlada Puntland iyo jebinta dastuurka ee ay sheegeen in ay ku kacday Xukuumada madaxweynaha wakhtigu kasii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye, Daahir Xaaji Khaliif ayaa sheegay in ay khaladaad Dastuur iyo jebin samaysay xukuumada Deni isla markaana ay marar badan sheegeen.

Golaha wakiilada dowlada Puntland ayuu sidoo kale Gudoomiyuhu u sheegay in ay ka waan-toobaan Dood dhawaan ay Mudanayaal ku qoys ah Deni ka keeneen caasimada Garowe.

"Garowe sidii ay caasimad ku noqotay waa la ogaa, hadii ay wax yimaadaan ma ahan in la dhaho ha laga guuro".

Mas'uuliyiinta Mideeye ayaa ku tilmaamay Dacwadda mid xujjo ku ah madax-banaanida Garsoorka Puntland iyo saraynta Cadaaladda.

Horey Madasha Siyaasadda Puntland ayaa Dacwad u gudbisay Maxkamada Sare ee Dowlada Puntland taasi oo ka dhan furista iyo jabinta Dastuurka ee madaxweyne Deni.

Maxkamada Sare iyo midda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa lagu hayaa indhaha sida ay uga jawaabaan galal dacwadeedyada loo gudbiyay.

Iyada oo ay socdaan dadaalada Isimada iyo kulamo ay la qaateen madaxweynaha mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga hareen, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa misana mudanayaal taaban Deni waxaa ay sii wadaan ka hadlida qorshayaasha horyaalla Garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM