Soomaaliya: Xafiisyada sare ee Puntland oo PEC Haweenka ka qadiyay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxtooyada Puntland ayaa soo bandhigtay xubnaha ku matali doona Guddiga Doorashooyinka PEC, oo ka kooban 14 xubnood. Gudiga ayaa bedelaya TPEC, oo shaqada si Kumeel-Gaar ah usoo haysay.

Xubnaha ay magacawday Madaxtooyada ayaa kala ah;
1. Cabdillaahi Siciid Keytoon.
2. Maxamed Abshir Garaad.
3. Maxamuud Soofe Xasan.

Baarlamaanka ayaa sidan oo kale bishii hore soo magacaabey saddex xubnood, oo rag wada ahaa. Deni ayaa isna dhawaan nin ina adeerkiisa ah usoo magacaabay xubinta KAAH ee PEC inuu noqdo. [Halkan ka akhri].

Lixda xubnood ee soo magacaabeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu dhaliilay inay gabi ahaanba kusoo darin matalaada haweenka Puntland.

Arrintaan ayaa keentay dhaleeceyn kadib markii labada xafiis ee ugu sareysa Puntland ay dammaanad qaadi waayeen matalaad dhab ah oo Haweenka laga siiyo PEC. Qaab-dhismeedka Gudiga ayaa xisbiyada qaar ka biyo diiday.

Waxaa la filayaa in xisbiyada kale ee ka qeyb galaya doorashada oo aan wali magacaabin xubnaha ku matalaya PEC ay dhawaan iyagana ku dhawaqaan xubnaha ka imaanaya, oo mid walba loo qoondeeyay 1 qof.

Gudiga PEC dhismihiisa wuxuu imaanayaa xili la isku khilaafsan yahay doorashadda, iyadoo middii Gollaha deegaanka qeybisay Saamileyda siyaasadda Puntland. Deni ayaa lagu eedeeyay in hogaankiisa noqday mid aan ka shaqeyn midnimada, xisilooni siyaasadeed iyo doorasho xor, xalaal ah oo loo dhan yahay.

Xisbiyadda qaar ayaa sheegay in Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaanayo siyaasadiisa danaha shaqsi iyo muddo-korarsiga kusoo biyo-shubatay horseeday in dagaal uu ka dhacay Caasimada Puntland bishii June, kaasoo ka dhashay furista dastuurka.

Deni oo muddo-xileedkiisa uga haray 4 bilood, ayaa u xusul-dubaya muddo-korarsi, aan dastuurka qabin, waxaana loogu baaqey inuusan qaadin tallaabadaas Puntland u keeni karta dagaal iyo deganaansho la'aan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM