Suldaan Cabdiqani Qorane oo degmada Xarfo lagu soo dhoweeyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa gaaray degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxana wafdigaas si wayn loogu soo dhoweeyay duleedka magaalada.

Suldaanka oo ergo laga soo xulay jifooyinka beesha u doorteen xilkan ayaa waxa socdaalka ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan dowladda uuna horkacayo gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye, aqoonyahano, ganacsato, nabadoono iyo marti sharaf laga casumey gobollada Puntland.

Wafdiga suldaaka waxaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay xarunta dugsiga sare xafladdaasoo ay ka soo qayb galeen maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka, nabadoonnada, haweenka iyo dhalinta ku dhaqan degmada Xarfo.

Madashaas waxaa laga soo jeediyey hadallo isugu jiray taageero iyo duco, waxana suldaanka Ilaah looga baryey inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo dhiibey.

Dhammaan dadka goobta ka halday ayaa sheegay in Suldaan Cadbiqani Qorane yahay shaqsi hufan, leh aqoon diimeed iyo mid maadi ah islamarkaana u qalma xilka loo doortey.

Duqa degmada Xarfo Cabdiftaax Daahir Cumar oo hadalka furay ayaa soo dhoweeyey Suldaanka cusub oo isagoo xusey in lagu wada farxay xilka loo doortey islamarkaana ay taageero joogto ah mar walba suldaanka siin doonaan.

Gudoomiye xigeenka Barlamanka Puntland oo isna goobta ka hadlay ayaa shirka soo gaarsiiyay salaan iyo hambalyo uu ka siday madaxwaynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Puntland soo dhoweysay ayna raali ka tahay magacaabista Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane.

Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar Shiikh Cabdiqani Qorane ayaa soo xiray kulanka isagoo ka mahadceliyey soo dhowaynta diirran ee loo sameeyay, islamarkaana sheegay in Kitaabka Alle Marjac u yahay markasta uuna ku xukmin doono bulshada uu suldaanka u yahay.

Munaasabadda Caleema-saarka Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa dhici doonta August 20, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM