Sureer Abshir oo murashaxnimo Barlaman Garowe kaga dhawaaqday
GAROWE, Puntland- Sureer Abshir Muuse Hammaan oo kamid ah haweenka Somliyeed ee siyaasadda mudada ku jiray, ayaa Garowe kaga dhawaaqday inay u taagantahay Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.
Munaasabad lagu shaacinayay murashaxnimada Sureer ayaa galabta lagu qabtay Hotel Rugsan, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan Barlamanka Somalia, Puntland, wasiirro iyo xubno kasocday bulshada qaybaheeda kala duwan.
Sureer Abshir, waxay madasha kusoo bandhigtay tariikhdeeda iyo waxqabadkeeda dalka Somalia, waxayna xustay inay muddo ka shaqaynaysay hormarinta arrimaha bulshada.
Waxay ku dheeraatay muhiimadda ay isu sharaxday iyadoo xustay in dalku u baahanyahay dad karti iyo waxqabad leh iyaduna intaas diyaar la tahay.
Qaar kamid bulshada Rayidka ah oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin tallaaba Sureer qaaday iyagoo sheegay garab taagnaan doonaan.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ee xafladda ka hadlay, ayaa xusay in haweenku yihiin lafdhabarta bulshada, waxayna ku dhiirigaliyeen inay sii wado dadaalka ay ugu jirto helista xubinimada Aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Somalia.
Wasiirka haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Muumin ayaa madasha ka sheegtay inay taageero siinayaan dhammaan haweenka hanka ka leh siyaasadda dalka Somalia.
Anisa, waxay ku baaqday in la ilaaliyo qoondada haweenka Somaliyeed ee lagu cadeeyay hishiisyadii madasha.
Sureer waxay wax ku soo baratay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iyadoo baratay Cilmiga bulshada iyo xiriirka caalamiga ah, waxayna mar soo noqotay safiir kuxigeenkii Soomaaliya ee London.
GAROWEONLINE