Tacadi loo geystay barakacayaasha Puntland oo la cambaareeyay

Image
Xukuumadda Deni ayaa horey loogu eedeeyay in ay gar-gaarkii bini'aadannimo u adeegsatay in cadaadis lagu saaro qoysaska danyarta ah.

GAROWE, Puntland - Xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni oo u durbaan tumaysa doorashada golayaasha deegaanka Puntland ee lagu muran-san yahay in ay qabsoonto 25 May 2023 ayaa waxaa soo baxaya tacadiyo loo geystay dadwaynaha jilicsan iyo qoysaska danyarta ah.

Xafiiska Difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu walaac kaga muujiyay xaaladda barakacayaasha Puntland ku sugan.

"Dhawaaqa Barakacayaasha ay kaga cabanayaan dhibaatooyin kaga imaanaya Ururada siyaasadda oo adeegsanaya Mulkiilayaasha iska leh dhulalka ay dagan yihiin Barakacayaashu iyada oo meelaha qaar ay si khasab ah uga qaateen kaararkii cod bixinta," ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Xadgudub iyo gabood fallo lagula kacay barakacayaasha ayuu xafiisku ku tilmaamay arintaas iyaga oo la siman xuquuqda kuwa aan barakacayaasha ahayn.

Sidoo kale, Dallada Ururada Bulshada rayidka ee Puntland ku midaysan yihiin ee [PUNSAA] ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay in ay ka walaac san tahay xaaladda Barakacayaasha.

"Waxaan usoo jeedinaynaa daneeyayaasha Doorashada, Ururada siyaasadda iyo Dowlada in ay cadeeyaan mawqifkooda ku aadan arintaan isla markaana tilaabo deg-deg ah oo isla xisaabtan ah laga qaado cidii falalka noocaan ahi ku cadaado," ayay raaciyeen.

Horey ururada siyaasadda Puntland ee qaadacay hanaankaan lagu muran-san yahay ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in loo adeegsaday gar-gaarkii bini'aadannimo in cadaadis lagu saaro dadkii baahnaa iyo qoysaska danyarta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM