Taliyaha cusub ee booliska Puntland oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacdey Garowe waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin badan.

GAROWE, Puntland - Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Puntland, Maxamed Cali Xaashi ayaa la wareegay Xilka Taliyaha uu dhawaan u magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabada Xil wareejinta Talyaha ciidanka Booliska Dowlada Puntland waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabayn Ciidamada Dowladda Puntland ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Cabdisamada Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta  S/Gaas. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sidoo kale kasoo muqudey xafladda.

Gudoomiyaha Xuquuqul Insaaka, Gudoomiyha Ururka MAP, taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Puntland, saraakiisha Booliska iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si lamid ah xaadir ahaa.

Cabdi Yare ayaa ku dheeraaday ka hadalka wax yaabihii uu qabtay midada uu xilka hayay isagoo sharaxay guulaha la gaaray isagoo alle uga baryay in uu xilka la garab galo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Puntland.

Maxamed Cali Xaashi ayaa ka qayb galayaasha la wadaagay waxqabadkii sii mudada uu ka shaqaynayay saaxada Booliska isagoo xusay in uu  ka sii hormarinaya halka uu joogo maanta Booliska Puntland.

Taliye Xaashi oo ka hadlay xafladda ayaa gaba gabadii saraakiisha Booliska,madaxda Puntland iyo Shacabkaba ka codsaday in ay la shaqeeyaan si loogaaro yoolalka uu Booliska Puntland hiigsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM