​Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Cabdulqaadir Faarax Ereg, ayaa xilkii looga qaaday taliyihii qaybta Booliiska gobolka Nugal Cabdiraxmaan Abshir Faarax iyo ku-xigeenkiisii Maxamed Jaamac Cali.

Digreetada xilka ka qaadista oo soo baxday 11 November, 2016 ayaa sidoo kale jagooyinkaas loogu magacaabay saraakiil cusub.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa loo magacaabay G/Sare Cabdirashiid Maxamuud aw-Xuseeen (Xinjira-dhuuq), halka ku-xigeenkiisa laga dhigay Ibrahim Maxamed Cabdi (Dooli).

Lama oga sababta saraakiisha xilka looga qaaday, balse waxaa warqadda xilka qaadista lagu muujiyay in si deg deg ah xilka u wareejiyaan iyadoo saraakiisha cusub la faray inay lasoo wareegaan xubka iyo gaadiidka taliyaashaasi gacanta ugu jira.

Ereg, ayaa sheegay in taliyaasha xilka laga qaaday loo wareejiyay laanta Socotada Taliska guud Xil suge.

Cabdiraxmaan Abshir, ayaa intii uu xilka hayay madaxweyne Gaas, waxaa booskaas laga badalay labo jeer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM