Puntland oo soo dhaweysay taliyeyaal iyo askar kasoo baxay Somaliland

Image

GAROWE, Puntland – Mas'uuliyiinta dowladda Puntland ayaa tuulada Ballibusle ee gobolka Sanaag kusoo dhaweeyay taliyeyaal iyo qaar kamida askartooda kuwaasoo kasoo baxay xoogaga maamulka Somaliland.

Taliyeyaasha oo lagu kala magacaabo Xayle Xaaji Diraac iyo Xuseen Dheere ayaa waxaa iyaga iyo ciidamadooda ay u soo wareegeen dhinaca Puntland, horaantii todobaadkan dhamaad xili maanta lasoo bandhigay.

Madaxda soo dhaweysay waxaa kamid ahaa; Cabdixakiim Dhoobo Daareed, afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag, Cabdullaahi Cumar Cashuur.

Xayle iyo Xuseen ayaa talaabada ay qaadeen waxay ka dambeysay markii ay ka biyo diideen amar ka yimid Hargeysa oo ku aadanaa in ay weeraraan wafdi ka socday Puntland oo gobolka joogay.

Saraakiishan iyo askarkooda ayaa waxay balanqaadeen in ay qayb ka noqon doonan difaaca gobolka Sanaag oo mudooyinkii dambe ay dhaqdhaqaaq ka wadeen xoogaga maamulka goon isu taaga ah.

Xuseen Maxamed, gudoomiyihii degmada Badhan ee Somaliland ugu magacownaa, kaasoo xilkaan iska casilay maanta oo Khamiis ah ayaa xubnaha lasoo dhaweeyay ku jiray.

Arrimahaan oo imaanaya xili Puntland iyo Somaliland ay dhaqdhaqaaq ka wadaa Sanaag ayaa la rumeysan yahay in ay dharbaaxo ku noqoneyso maamulka Hargeysa oo duulaan ku ah gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM