Taliyihii booliska Qardho oo dilay xilli uu howlgal ku jiray

Image
Qardho waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Bariga soomaaliya gaar ahaan gobolka Karkaar ee Puntland.

QARDHO, Puntland – Cumar Hiiraad Kaatuun, taliyahiyihii saldhiga booliska magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar ayaa waabirigii hore ee Arbacada maanta ah lagu dilay degmadaas sida uu warbaahita u sheegay gudoomiyaha degmada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka.

Gudoomiyuhu ma bixin faahfaafin dheeri ah oo ku saabsan qaabka dilku u dhacay, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Ilo kale oo deegaanka ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga ku eedeysan dilka taliyaha lasoo qabtay, halka kuwa kelana ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaainay goobta gaareen, kadibna ay saameeyeen baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dilka taliyahooda.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Qardho waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Bariga soomaaliya gaar ahaan gobolka Karkaar ee Puntland.

Deegaanada Puntland oo inta badan ka caagan isku dhacyada hubaysan ayaa mararka qaarkood laga soo wariyaa isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan degmooyinka qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM