Taliyihii ciidanka Isku-Dhafka Gaalkacyo oo la dhaawacay
GAALKACYO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa magaaladda Gaalkacyo ku dhaawacday xalay madaxii howlgallada ciidamada isku-dhafka ee Puntland iyo Galmudug sameeyeen, Khaliif Nuur Shiil.
Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in rag bistoolado ku hubeysay ay Taliyaha ku toogteen irida Masjid ku yaalla magaaladda, xilli uu kasoo baxay salaadda Taraawiixda.
Labo dhalinyaro ah, oo aan la aqoon cida ay katirsan yihiin ayaa falkan geystay, kuwaasoo u suurta-gashay inay goobta ka baxsadaan kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka.
Col Khaliif Nuur Shiil ayaa la dhigay Isbitaalka magaaladda Gaalkacyo, waxaana socda baaritaan ku aadan isku dayga dilka ee la doonayay in lagu khaarijiyo.
Ciidanka isku-dhafka Gaalkacyo oo dhismahiisa ay kaalin ka qaateen dowladda FS iyo Qaramada Midoobey, ayaa lagu amaaney inay wax badan ka qabteen amniga.
GAROWE ONLINE