Tirada dadka ay Puntland u karantiishay Covid-19 oo korortay

Image

GAROWE, Puntland - Todoba qof oo looga shakiyey Coronavirus ayaa maanta lagu baarey degaanada Puntland, sida uu shaaciyey Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga faafitaanka cudurka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta shaqsiyaadka lagu tuhmay ee haatan ku jira gacanta dowladda ay gaareyso 20. Jawaabahooda waxaa la filayaa in ay dhowaan soo baxdo.

Shalay ayay ahayd markii la karantiiley sagaal qof oo horleh. Isla shalay, waxaa geeriyooday bukaan lagu tuhunsanaa caabuqa, balse aysan wali soo bixin natiijada baaritaankiisa.

Dheecaanada baarista ayaa loo diraa dalka dibadiisa, maadaama uusan gudaha waddanka yaalin sheybaarka sidda rasmiga ah u soo bandhiga xaqiiqada cudurka.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda kiisaska xanuunka waa 286, sidda ay warisay Wasaaradda Caafimaadka federaalka, oo intaas ku dartay in tirada dhimashadda ay tahay 15 ruux.

Dhanka kale, warbixinta maalin laha ee guddiga Puntland ayaa ku boorisay qof kasta oo isaga shakiya xanuunka in uu tago goobaha lagu baaro si loo hubiyo in uu la nool yahay iyo in kale.

Dadweynaha Puntland waxaa cod dheer looga dalbaday in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo fayruska si lamid ah in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakuladda.

WARBIXINTA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM