Tirada dadka uu Covid-19 ku dilay degaanada Puntland oo korortay

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen lix kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 161 ayaa waxay kala joogaan Bari, Nugaal iyo Mudug, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga xakameynta cudurka.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Nugaal waxaa ku sugan hal bukaan, Bari-na waa hal, halka Mudug laga diiwana-geliyey 4 xaaladood.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay ku dhow yihiin 200, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, 5 kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, halka qofka kale ay tahay haweenay.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa u dhintay xanuunka hal ruux. Wadarta geerida waa shan, tirada bogsatay waxay noqotay 7 markii laba bukaan ay caafimaadeen.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM