Tirada kiisaska xanuunka Covid-19 ee Puntland oo sarre u kacday

Image

GAROWE, Puntland – Tiradda kiisaska Coronavirus ee degaanada Puntland ayaa gaartay tobban, sidda uu xaqiijiyey Guddiga xukuumadda u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga xanuunka safmareenka ah.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga kasoo baxdey, kororka ayaa ka yimid tobban qof oo maanta laga baarey caabuqa dilaaga ah. Afar kamid ah waa laga helay, inta kale waa laga waayey.

Afarta bukaan ee cusub saddex kamid ah waa lab, sidda ku cad warbixinta, halka qofka kale lagu tilmaamay in uu yahay Dhegid.

Illaa iyo haatan, degaanada Puntland ma jirto bukaan u geeriyooday cudurka, si lamid ah, lama soo warin qof ka caafimaadey.

Puntland ayaa shalay hirgelisay sheybaarka lagu ogaado fayruska, taas oo sahashay fursada ah in gudaha lagu baaro.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhawaajisay in ay ku dedaaleyso siddii looga hortagi lahaa faafitaanka.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda kiisaska ayaa gaaraya 436, sidda lagu sheegay warbixinta maanta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka federaalka. Intaas waxaa wehlisa, 23 dhimasho ah iyo 10 ka bogsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM