Tirinta codadka doorashada tooska ee Puntland oo bilaabatay

Image
Image
Image
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka ayaa shaaca ka dhigay in natiijada ay kusoo baxeyso si dhaqso ah.

GAROWE, Puntland - Guud ahaan goobaha cod-bixinta doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland ayaa xirmay. Coddeynta waxay bilaabatay 6-dii subaxnimo waxayna soo idlaaneysay 6-da maqribinimo.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in tirinta ay bilaabaneyso. Guddiga KMG doorashooyinka ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeysta ah.

Saraakiishu waxay xuseen in dadweynuhu ay si weyn ugu soo baxeen coddeynta. Sideed urur siyaasadeed ayaa ku baratamaya doorashadan. Wax ka badan 37-kun ayaa qaatay kaararka cod-bixinta.

Guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre, ayaa warbaahinta u sheegay in natiijadda ay kusoo bixi doonto sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

"Waqtiga coddeynta way dhamaatay. Inta badan goobihii cod-bixinta way soo xirmeen. Balse waxaa laga yaabaa in ay jiraan seejooyin ay dad taagan yihiin," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Kaliya shaqsiyaadkaas ayaa codkooda dhiiban doona ma jiri doono qof gedaal kaga biiri doona. Shaacinta natiijada in aysan waqti badan naga qaadan ayaan rajeynaynaa".

Puntland ayaa tusaale waxay u noqotay maamulada kale ee Soomaaliya maadaama ay 53-sano kadib dalka oo dhan ka qabatay doorasho qof iyo cod oo awooda  wax doorashadda dib loogu celiyey dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM