Toban kun oo ardey oo gelaya imtixaanka shahaadiga ee Puntland

Image

May 18, 2015 (GO)- In ka badan toban kun oo arday oo ku sugan deegaannada Puntland ayaa todobaadka soo socda u fariisan doona imtixaanaadka shahaadiga ee looga gudbo fasallada afraad dugsi dhexe (siddeedaad) iyo afraad dugsi sare (labo iyo tobnaad).

Madaxa Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Axmed (Saahid), ayaa Radio Garowe u sheegay in sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ay geli doonaan 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood.

Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818.

Axmed Saahid ayaa sidoo kale sheegay in imtixaanka lagu qaadi doono 74 xarumood islmarkaana shan boqol oo qof oo isugu jira ilaaliyeyaal iyo kormeerayaal loo xil saaray habsami u socodka imtixaanka.

Maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay May 23, 2015 ayuu si rasmi ah imtixaanku u furmi doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM