Garowe oo si weyn looga dabaaldegay xuska 1-da August

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo marti sharaf kale ayaa barxadda weyn ee Garowe waxay uga qeybgalayeen dabaaldega maalinta aas-aaska Puntland.

Xafladda oo ahayd mid si heer ah loosoo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-qaatay dhinacyadda kala duwan ee loo diyaariyey in ay kasoo muuqdan munaasabadda.

 

Ciidamada Qalabka Sidda qaybahooda kala duwan ayaa dhoolatus waxay kusoo bandhigeen xafladda, iyaga oo salaan sharaf ka qaatay madaxweynaha dowladda Puntland.

Amniga ayaa wuxuu ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadda oo lamaaha ammaanka la geliyay heegan sarre, waxaan xuska uu ka qabsoomay magaalooyinka waaweyn ee maamulkan.

Xaflad kale ayaa waxaa la filayaa in ay caawa ka qabsoonto Madaxtooyadda Garowe, halkaasi oo uu madaxweyne Deni ka jeedin doono kalmadiisa ku aadan munaasabadan.

Bishii August sanadkii 1998-dii ayaa la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn kuwa ka jira guud ahaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

Yag-leelida Puntland ayaa waxay ka dambeysay ka gedaal markii ay fashilmeen shirar looga hadlayey dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii sanadkii 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM