Madaxweyne Deni oo Garowe kaga qeybgalay xuska 1-da Luulyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Munaasabad loogu dabaaldegayo xuska 1-da Luulyo ayaa habeenimadii Axada waxaa lagu qeybtay magaaladda Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas'uuliyiin kale oo Laanta Fulinta iyo Sharcidejinta ka tirsan ayaa kasoo muuqatay xafladda oo si heer sare ah loosoo agaasimay.

Ugu horeyn, hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan xuska maalintan oo uu sheegay in ay qiimo ku fadhiso.

Madaxda kale ee halkaasi ka jeedisay khudbado kala duwan ayaa xooga saarey ahmiyada xuska maalintan iyo sida loogu baahan yahay in dadka lagu baraarujiyo.

Xuska 1-da Luulyo oo meelaha laga wey-neeyay ay kamid tahay gobolada Soomaaliya oo idil ayaa waxay ku beegan tahay maalintii ay xorriyada qaateen gobolada Koonfureed.

Si lamid ah waxay maalintan ku sun-san tahay goortii ay midoobeen gobolada Koonfureed iyo Waqooyi oo haatan loo yaqaano Somaliland isla markaana gooni isu taag ah.

Isticmaarkii Talyaaniga oo haystay gobolada Koonfureed iyo gumeystihii Ingiriiska oo gobolada Koonfureed ah ayay xorriyadda kala soo noqdeen kadib halgan dheer.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM