​Tumay oo loo doortay Guddoomiyaha golaha deegaanka Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Duqii KMG ahaa degmada Galkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey, ayaa goordhaweyd loo doortay Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Galkacyo isagoo helay codad gaaraya 24.

Waxaa kusoo xigay Deeq Maxamud Xaashi oo helay 7 cod, waxaana guddiga doorashada ku dhawaaqeen in Guddoomiyaha golaha deegaanka Galkacyo uu yahay Mudane Tumay.

Qaabka codadka loo kala helay wareegyadii doorashada Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Galkacyo;

Wareegii koowaad:-

  1. Maxamuud Yaasiin Axmed 17-cod
  2. Deeg Maxamuud Xaashi 8-cod
  3. Yaasiin Maxamed Jaamac 3-cod
  4. Cismaan Salaad Fagaase 2-cod
  5. -Waxaana xumaaday hal cod

Wareegii Labaad, waxaa tartamay; Maxamuud Yaasiin Axmed, Deeg Maxamuud Xaashi iyo Yaasiin Maxamed Jaamac halka Cismaan Salaad Fagaase uu isaga haray loollanka.

Natiijada Wareegii Labaad:-

  1. Maxamuud Yaasiin Axmed 19-cod
  2. Deeg Maxamuud Xaashi 10 -cod
  3. Yaasiin Maxamed Jaamac 2-cod

Wareega Saddexaad,Waxaa u gudbay;

Maxamuud Yaasiin Axmed

Deeg Maxamuud Xaashi

  • -Waxaa guushu raacday Maxamuud Yaasiin Axmed 24 halka Deeg Maxamuud Xaashi 7.

Waxaa xusid mudan in saddexda wareegba uu hogaaminayay codadka Tumay oo dhawaan madaxweyne Gaas xilkaasi si KMG ah ugu doortay.

Doorashada duqa kadib, waxaa la guda galay codaynta ku-xigeenka iyadoo loo igmaday inuu noqdo Farxaan Cabdi Gaafaa oo helay 21 cod halka Cabdifataax Xasan Xuseen oo kusoo xigay uu helay 10 cod.

Labada mas'uul ee la doortay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyihiin xilalka loo dhiibay, waxayna ballanqaadeen inay isbada ku samayn doonaan arrimahii la dhaliilsanaa.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi wasiirka howlaha Guud oo kamid ahaa guddiga dhismaha golaha deegaanka ayaa Radio Garowe u sheegay in magaalada Galkacyo maanta yeelatay maamul rasmi ah, wuxuuna faah faahin ka bixiyay sababta loo kala diray.

Wasiirka ayaa ku sheegay sababta loo kala diray ay tahay inay gudan waayeen shaqadii loo xilsaaray isagoo tilmaamay in Xildhibaanadan yihiin kuwo cusub oo lagu soo xulay aqoon iyo karti.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa u hambalyeeyay mas'uuliyiinta la doortay isagoo ugu baaqay inay kasoo baxaan waajibaadka loo dhiibay islamarkaana isbadal ku sameeyaan arrimaha amniga iyo hormarka.

Waa markii ugu horeysay in shaqsi Madaxweynaha Puntland ku magacaabo wareegto duqa degmo ku soo baxo doorashada golaha Degaanka.

Madaxweynaha Puntland oo kala direy golayaasha deegaanka Garowe iyo Bossaso ayaa xubnahii uu u magacaabey KMG ku guuldareyteen iney ku soo baxaan duqa Degmada magalooyinkaas.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa gabi ahaanba ka maqneyd dhismaha golahaaan a kadib markii Madaxweyne Gaas ku aamini waayey.

Wasiirka howlaha guud ayaa gudannayey howshii Wasaarada Arimaha gudaha isaga oo madax u ahaa guddiga dhisayey golahaaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM