Turkey oo loo diray baaq la xiriira drones-ka uu "keenay" Soomaaliya

Image
Xukuumadda Ankara ayaa lagu waaniyey in ay caddeyso mowqifkeeda wararka aadka loo baahiyey.

GAROWE, Puntland - Dowladda Turkiga waa in ay caddeysaa mowqifkeeda ku aadan wararka la xiriira in ay Soomaaliya keeneen diyaarado drones ah, sida uu ugu baaqay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha waddanka.

Cabdi Faarax Saciid Juxa oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarkaa h ee Facebook-ga ayaa cod dheer wuxuu uga digay halista ka imaan karta diyaaradahan aan duuliyaha lahayn.

Juxa oo sheegay in nasiib darro weyn ay tahay "in Soomaalidu Cadowgooda dhabta ah iyo Dawladooda" isku si uga cabsadaan, ugana aamin baxaan" ayaa soo jeediyey in aad looga feejignaado qaddiyadan.

"Xukuumad muddo-xileedkeedii sharciga ahaa dhamaaday, xoog; xeelad iyo xoolo waxay haysana u jahaysay la dagaalanka dadka aragti ahaan iyada ka duwan maxaa laga filan karaa hadday Drones hesho? Maloo arki karaa in Drones-ku qayb weyn ka yahay cago-juglaynta iyo boobka kuraasta doorashada?," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Hadday arrintaasi dhab tahay waxaa la oran karaa "waa aalad hubeed khatar ah oo gashay gacan khaldan oo aan aamin ahayn". Turkiga waxaa laga rabaa inay arrintan beeniso ama khatarteeda dadban damaanad ka bixiso. Waa nasiib darro in Soomaalidu "Cadowgooda dhabta ah iyo Dawladooda" isku si uga cabsadaan, ugana aamin baxaan".

Hadalka Juxa ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar ku saabsan in xukuumadda Ankara ay dowladda Soomaaliya siisey diyaarado drones ah loona tababaro saraakiil ka tirsan ciidanka.

Mucaaradka oo walwal weyn ka muujiyey qaddiyadan ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in fahfaahin laga helo arrintan si loo kala caddeeyo in loo adeegsan karo xaaladda kala guurka ee dalka wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM