Ujeedka socdaalka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Garacad

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta oo Arbaco ah ka dhoofay Garowe ayaa wuxuu gaarey magaaladda xeebta leh ee Garacad.

Ujeedka booqashadda oo ay ku wehliyaan maalgashto caalami ah ayaa lagu sheegay si uu kormeer ugu soo sameeyo dhismaha dekad cusub oo halkaasi laga dhisayo.

Mashruucan ayaa waxaa hirgelisay shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Wadaagsin, taasi oo ku guuleystay dhismaha marsadaasi muhiimka ah

Wadaagsin ayaa waxay kamid ahayd shirkadihii ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Puntland ee Talaadadii lagu soo gabagabeeyay Garowe.

Si lamid ah, waxay shirkaddan shaacisay in ay 100 milyan oo dollar-ka Mareykanka ay qorsheyneyso in guud ahaan Puntland ku maalgeshato.

Isaga oo ka hadlayey shirka, Deni ayaa wacad ku maray in aysan jirin caqabad maamulkiisa uga imaan doonta shirkadaha daneynaya maalgashiga.

Mashruuca lagu dhisayo dekadda cusub ee magaalada Garacad ayaa la filayaa in uu isku xiri doono gobolada dhexe ee Soomaaliya, dalka Itoobiya iyo Blue Economy

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM