UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Image
Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

GAROWE, Puntland - Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey saddex qodob oo ay kala hadashay Dowladda Puntland kadib kulankii dhexmaray madaxwayne Deni iyo danjire Mike Nithavrianakis.

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ayaa lagu fahfaahiyey qodobadan kuwaas oo midka ugu horeeya uu xeerinayo in wadashaqeyn toos ah ay dhexmareyso Puntland iyo Dowladda UK.

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka kadib markii uu xummaadey xiriirka kala dhaxeeya Madaxtooyadda Soomaaliya.

"Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka Soomaaliya," ayaa lagu sheegay qodobka labaad.

Puntland ayaa ka goos-qabsatay qaabka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya furitaanka dastuurka. Diblumaasiyiinta loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, waxay ku cadaadinayaan Puntland iyo Dowlada Federaalka in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

"Sida ay Dowladda UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee Puntland," ayaa lagu sheegay qodobka saddexaad oo ay diiradda saareen hogaanka Puntland iyo Dowladda UK.

Puntland ayaa waxa ay horey u codsatay in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo. Dalabkan waxa uu daba socdaa in uusan xiriir wadashaqeyn ka dhexaynin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM