Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada oo ka digay khatar Deni u maleegayo doorashada

Image
Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Puntland ayay ku eedeeyeen "fulinta ajandayaal gurracan".

GAROWE, Puntland - Ururada siyaasadda ee maamulka Puntland ee kala ah Horseed, Mideeye, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha oo dhawaan Garowe war-saxaafadeed kasoo saaray ayaa si wayn waxay uga hor-yimid qaabka ay rabto xukuumaddu madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni in dhawaan ay ku bilawdo diiwaangelinta codbixiyayaasha sadex gobol.

Abdirahman Muumin Saalax, gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland oo maanta Garowe Online u waramay ayaa ka digay qaabka ay xukuumadda Deni u wajahayso diiwaan-gelinta codbixiyayaasha isaga oo ku tilmaamay mid aan loo dhamayn oo keeni karta khataro amni iyo doorasho aan lagu qanacsanayn .

"Madaxweyne Deni waxaan xusuusinayaa waxaad xilka ku qabatay labo cod oo aad dheerayd murashaxii aad ka guulaysatay, madaxweynihii kaa horeeyayna hal cod ayuu kusoo baxay, laakiin waa hal cod oo la isla ogollaa," ayuu yiri.

Ajandayaal "gurracan"

Gudoomiyaha ayaa sheegay in TPEC aysan qaadan kaalinteedi. "TPEC ma ciyaarin doorkeedii, waxaa lagu koobay kaalin farsamo, waxaa qaatay booskeedii ururka KAAH ee xukuumadda," ayuu ku daray.

Saalax ayaa afka ku balaariyay in aysan iyagu qayb ka noqonayn in ay xalaaleeyaan ajandayaasha "gurracan ee dad dano gaar ah leh". Madaxweynaha xilkiisu sii dhamaanayo Siciid Deni ayuu ugu baaqay in uu uga tago Puntland sidii uu ugu yimid.

"Deni waxaan leeyahay Puntland is haysata oo nabad ah oo horumarsan ayaad u timid, haka ridin dagaaladii aad samaysay oo kale, fadlan uga tag si nabad oo ah midii ay afar iyo labaatan sano kusoo caana maashay," ayuu tibaaxay.

Wadahadal la'aan

Dhanka kale, gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland ayaa meesha ka saaray in ay wax wadahadal ah kula jiraan xukuumaDda Deni isaga sheegay in xukuumadu aanay ahayn mid arintaas lagala hadli karo.

"Way fiicnaan lahayd hadii Puntland ay ka jirto xukuumad ka shaqaynaysa hanaanka dimuqraadiyadda ah oo wadahadal lagala gali karo, kama jirto xukuumadaasi Puntland waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka Puntland in ay doorkooda qaataan oo aan la majaro habaabin shacabka," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sidoo kale, Saalax ayaa faah-faahiyay waxa uu daaranaa kulan shalay ururada Dhalinyarada iyo Mideeye ku dhex maray magaalada Boosaaso isaga oo sheegay in ay ka arinsanayeen sidii shacabka looga digi lahaa dacaayadaha ka dhanka ah doorashooyinka ee xukuumada Deni wado isla markaana kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM