Ururka Warbaahinta Puntland oo hogaan cusub yeeshay

Image

GAROWE, Puntland – Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland ee MAP ayaa Axada maanta ah wuxuu yeeshay hogaan cusub oo xilka sii hayn doona saddexda sano ee nagu soo fool leh, sidda uu xeerinayo xeerka ururkaas.

Maxamed Daahir Warsame Caysane ayaa markii labaad oo xiriir ah waxaa loo doortey guddoomiyaha MAP. Doorashadda waxay ka dhacdey shirweynaha 4aad ee ururka oo ku qabsoomay magaaladda Garowe.

Caysane oo aan lala tartamin wuxuu saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu dedaal badan geliyey u ololeynta xuquuqda warbaahinta ee Puntland.

Sidda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka, Caysane waxaa u coddeysay 105 xubnood oo kamid ahayd 117 ergo oo soo xaadirtay shir-weynaha, waxaa ka aamustey lix, halka uu diidmo u coddeeyay hal ruux kale.

Guddiga doorashadda ayaa intaas ku daray in shirweynaha ay ka maqnaayeen afar xubnood oo ergadda kamid ah ayna xumaadeen laba cod kale.

Dhanka kale, Maxamed Daahir Yuusuf [Saalim] ayaa loo doortey guddoomiye ku xigeenka, isaga oo helay 58 cod, wuxuuna ka adkaadey Cabdirashiid Bashiir Maxamuud [Gambool] oo uruursaday codad gaaraya 53.

Shirweynaha Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland waxaa Sabtidii daahfuray madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo kula dardaarmay ergada doorashadda in ay hogaanka cusub ay ku xushaan karti iyo wax-qabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM