Golaha degmadda Ufeyn oo loo doortey guddoon rasmi ah

Image
Qabashadda doorashadan ayaa ka dambeysay markii ururadda siyaasadda ay is-faham ka gaareen.

GAROWE, Puntland - Golihii deegaan ee ugu horeeyay Puntland ee ku yimaada qof iyo cod ayaa Arbacada maanta ah doortay Guddoomiyaha degmada Ufeyn iyo ku-xigeenkiisa.

Ururada Siyaasadda ee kala ah SINCAD iyo MIDEEYE ayaa kusoo baxay guddoonka Golaha deegaanka ee degmada Ufeyn. Labadan urur waxay horey ugu guuleysteen kuraasta ugu badna.

Madaxwayne Deni oo "taariikh iyo waa cusub" ku qeexay doorashadan ayaa guusha ururaddan mucaaradka ku ahaa ku sifeeyay "astaan muujineysa daahfurnaanta geedi-socodka.

"Waxaynu wadajir u gaarnay guulweyn oo ibo fur u ah hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, rajo wanaagsana gelinaysa Shacabka Soomaaliyeed in mustaqbalka dhow loo diyaarin karo Doorasho Qof iyo Cod ah," ayuu ku qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhankiisa wuxuu u hambalyeeyay guusha laga gaaray hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Puntlan.

"Maanta waa maalin taariikh u ah guud ahaan Shacab weynaha reer Puntland gaar ahaan Shacabka reer Ufayn oo doortay Guddoomiye iyo ku xigeen ku yimi codkoodii ay dhiibteen 25-Oct-2021," ayuu yiri.

Masuuliyiinta la doortay ayuu Alle uga baryey inuu u fududeeyo xilka ay qaadeen.Karaash wuxuu boggaadin, Hambalyo iyo mahadcelin u diray dhammaan dhinacyadii howshan khuseysay ee muddada ka shaqeynayay sida Shacabka, Guddiga Doorashadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ururada Siyaasadda, Ciidamada Amniga iyo Warbaahinta.

"Hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo ay ku guuleysatay Dowladda Puntland, waxayna soo nooleysay rajada dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay fursadan oo kale heli karaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Qabashadda doorashadan ayaa ka dambeysay markii ururadda siyaasadda ay is-faham ka gaareen in si horudhac ah loo qabto doorashada saddexda degmo ee is-dabamarintu hareysay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM