Waaberi: Juxa hadduu run sheegayo haku laabto Sin-u-Jiif

Image
Musharaxa ayaa ku biiray siyaasiyiin su'aal ka keenay is-diiwaan-gelin uu dhowaan sameeyay wasiirka.

GAROWE, Puntland - Xubnaha Madasha Siyaasadda Puntland oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka digay diiwaan-gelinta doorashada oo horey ay u qaadaceen afar urur siyaasadeed.

Murashax Cumar Ismaaciil Waabari oo kamid ah xubnaha hadlay ayaa si gaar ah u xusay in wasiirka arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) uu iska diiwaan-geliyay degaan uusan daganayn.

"Juxa hadduu run sheegayo Sin-u-Jiif haku laabto," ayuu sii raaciyay murashax, Cumar Ismaaciil Waabari, oo dhanka kale ku tilmaamay in xukuumaddu bilawday isku guur-guurka dadka.

Siyaasiyiintan ayaa dhawaanahan kulamo xiriir ah oo dhawr maalmood socday la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku sugan Boosaaso iyaga oo walaac ka muujiyay xaaladda Puntland.

Danjire Cabdirisaaq Axmed Shoole oo isna kamid ah madasha ayaa wareysi uu siiyey Garowe Online waxa uu walaac kaga muujiyay is-diiwaan gelinta wasiir Juxa isaga oo ku tilmaamay "mid la-yaab leh".

Shoole ayaa yiri: "Lix saac oo habeenimo ayaa ku qoran warqada uu isku diiwaan geliyay wasiirku, bal waa xagee seejada is-diiwaan-gelin ee xiligaas furan".

"Sidee loogu kalsoonaan karaa qalabka ku jira gacanta guddiga doorashada," ayuu sii raaciyay Shoole oo afka ku balaariyay in aysan hanaanka wax u socdaan dadweynaha Puntland gaarsiineyn meel wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM