Wadahadal dhexmarey Puntland Iyo Somaliland, ciidamada oo la kala qaadey
DHAHAR- Wararka ka imaanaya goobihii ay isku horgadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wararku sheegayaan in la kala qaadey kadib markii wadahadal dhexmarey madaxda labada maamul.
Ciidamada Puntland oo laga reebey kuwa kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa dib ugu soo noqdey halka la yiraahdo Kala-dhacda oo ku dhow laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Bossaso iyo Garowe. Ciidamad Somaliland ayaa dhinaca kale dib ugu noqdey degaano ku dhow magalaada Ceerigaabo.
Ciidmadaan oo intooda badan isku horfadhiyey degaanka Booda-Cade ee ku dhow magalaada Dhahar ayaa waxaa maalin kaliya isku-dhac ku dhexmarey halkaas.
Lama oga khasaaraha dagaalkaas dhaliyeen iyada oo labada dhinac guulo ka sheegteen iska-horimaadkaas.
Wadahadalka lagu kala qaadey ciidamadaan ayaa wararku sheegayaan in markii hore ka bilowdey gobolka Sanaag isaga oo markii dambe gaarey in maaxweyne Gaas uu taleefan kula hadlo ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay [ Madaxwynaha Puntland iyo ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland] in la joojiyo colaada labada dhinac islamarkana dib loo kala qaado ciidmada labada dhinac iyada dhinaca kale uu jiro cadaadis beesha caalamka kaga yimid dhinacyadaan.
Madaxwynaha Puntland iyo xukuunadiisa ayaa aad u raadinyey in xaalada la qaboijiyo madaama uusan jirin diyaargarow ku aadan sidii ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan looga hortagi lahaa Barnaamijka Somaliland ee diwaangalinta.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdi Jamaaal oo kasoo jeeda gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Dhahar ayaa warsidaha Garowe Online fahansan yahay in xaaladaan oo taagan kasoo kicitimey Jiida hore ee ciidamada isagoo u soo ambabaxey dalka Imaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhacayey sharci uu wadankaas ku leeyahay.
Dhinaca kale waxaa ku suganaa Jiida hore ee gobolka Sanaag Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Axmad Karaash xilli deegaanka Awr-boogeys gobolka Sool beesha uu kasoo jeedo kulan balaaran kula yeelatey maamulka Simaliland.
Madaxwynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku sugan magaalda Galkacayo halkasoo ku mashquulsan yahay dhismaha golaha degaanka magaalo madaxda gobolka Mudug.
Dowlada Puntland gaar ahaan xukuumada ayaa wax hadal ah kasoo saarin xaaladaha ciidan iyo siyaasadeed ee ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag.
GAROWEONLINE