Wadahadaladii ugu dambeeyey oo ka socda madaxtooyada Garowe

Image

GAROWE 1 May 2015 (GO)- Wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada Puntland ka socdaan wadahadallo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh, Madaxweynaha Puntland iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Konfur galbeed  kuwasoo lagu falanqeynayo sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa qodobada la isku hayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan inay suurtagal tahay in war-saxafdeed is-fahan ah kasoo baxo qodobada la isku hayo, wararka ayaa sheegaya in waftiga Madaxweynaha Somalia la socdey oo u badan wasiiro maanta ka ambabaxeen magaalada Gorowe.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya kulankaan ayaa sheegaya in dood kululi ka socoto qodobka qaybsiga khayraadka iyo madax baannaanida in  dowlada Puntland iyo maamullada kale heshiis la gali karaan shirkadaha shisheeye, qodobkaas ayaa madaxweynaha Somalia diidan yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobka Mudug caqabad weyn ka taagan tahay sidii meel dhexe la isugu imaan lahaa, maadaama Xasan Shiikh diidan yahay inuu kala cadeeyo qaybta gobolka ee uu saameynta ku yeelanayo shirka ka socda magaalada Cadaado.

Wararka la xiriira kulankaan waxaa kala socon kartaan warsidaha Garowe Online 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM