Wafdi ka socda Itoobiya oo ay booqasho uga bilaabatay Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Kuxigeenka Xaafiiska Arrimaha Qurba-joogta iyo Dibu dajinta dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale.

Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana ay kulamo wada yeelan doonaan wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan ay booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen.

Puntland State House

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM