Waraaqaha imtixaanka shahaadiga Puntland oo gobollada loo qaaday

Image
Image
Image
Image

May 21, 2015 (GO)- Kooxaha qaadaya imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa maanta loo kala direy dhammaan gobollada. Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu sagootiyey kooxahaas.

Imtixaanka shahaadiga Puntland ee looga gudbo fasallada siddeedaad iyo labo iyo tobnaad waxaa sanadkan geli doona 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood.

Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818.

Imtixaanka waxaa lagu qaadi doonaa 74 xarumood islmarkaana shan boqol oo qof oo isugu jira ilaaliyeyaal iyo kormeerayaal loo xil saaray habsami u socodka imtixaanka.

Maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay May 23, 2015 ayuu si rasmi ah imtixaanku u furmi doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM