Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal xoog leh ayaa wali kasii socda magaaladda Boosaaso, kaasoo u dhaxeeya Ciidanka dowladda Puntland iyo askar taabacsan agaasimihii PSF ee xilka uu Madaxweyne Deni ka qaadey 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo, iyadoo madaafiic gaaraya illaa 20 ay ku dhaceen xaafado kala duwan, oo ku dhaw xarunta taliska PSF, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha illa hadda ay xaqiijiyeen Isbitaallada Boosaaso ayaa ah 21 dhaawac ah, oo 14 ciidan ah, iyo 4 dhimasho ah, oo kala ah 1 PSF garabka agaasimaha xilka qaadista diiday, 2 dowlada ah iyo 1 shacab ah.

Waxaana jira dhaawacyo badan iyo dhimasho aan la hayn xogtooda rasmiga ah, waxaana Garowe Online loo xaqiijiyay in PSF dhaawaca iyo dhimashada xeradooda geysteen.

Gaadiid dagaal iyo hub ayaa sidoo kale lagu kala qabsadey dagaalka Boosaaso, waxayna xaaladdu tahay mid aan la saadaalin karin, iyadoo dadkii degaanka ay billaabeen bakarac xoogan.

Waxaa sidoo kale joogsaday maanta Isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, maadaama dagaalka sii xoogeysanayo, ma jiraan wax dadaalo ah oo muuqda oo lagu joojiyo dhiiga ku daadanaya Boosaaso.

Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile, oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in Ciidamada Gorgor ee dowladda Federaalka ay ka qeyb-qaadanayaan colaadda magaaladda. Ma jirto illo madax-banaan oo xaqiijinaya hadalkan.

Dagaalka Boosaaso ayaa sii xoogeystay markii Ciidamo boqolaal askari lagu qiyaasay oo ka yimid saldhigyada gobolka Bari ay kusoo biireen kuwa dowladda, oo isku dayaya inay si qasab ah ay Maxamed Cismaan Diyaano uga saaraan xarunta dhexe ee hay’adda PSF-ta.

Xaaladda Boosaaso ayaa faraha ka baxdey, waxaana billowday dagaal mudooyinkii dambe laga digayay inuu qarxo, kaasoo hadda saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii iyo xasiloonidii ka jirtay magaaladda ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaaladda Baydhaba oo u tagey ka qeybgalka dabaal-dega sanad-guuradii 3aad ee doorashadda Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, iyadoo illaa hadda madaxtooyadda ka hadlay dagaalka Boosaaso.

Hay’adda PSF oo shaqadeedu tahay la dagaalanka argagaxisadda, ayaa waxaa taageera dowladda Mareykanka oo dhaqaale iyo tababaro ka hesho, taasoo ka dhigtay in hogaankeeda lagu loolamo.

Dowladda Puntland ayaa isku dayaysa inay isbedel iyo dib u habeyn ku sameyso hay’adaha amniga, si loo xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka oo wajahaya khataraha kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM