Wararkii ugu dambeeyey cabsi laga qabey dagaal ka dhaca Boosaaso

Image

Magaalada Boosaaso ayaa kusoo laabatay xasilooni, kadib markii saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay u muuqatay mid qarka u saarnayd inuu ka dhaco dagaal salka ku haya xilka ka qaadista agaasimaha hay’adda  PSF, Maxmuud Cismaan Diyaano.

Garowe Online, ayaa ogaadey in ay socdaan dadaallo lagusoo afjarayo xiisadaha magaalada ka jira, waxaana xusid mudan in ciidanka PSF ay banneeyeen dhufaysyo ay ka samaysteen xaafado kamid ah Boosaaso.

Agaasimaha xilka laga qaaday ee Maxamuud Cusmaan Diyaano ayaa ku amray ciiddanka PSF in aanay wax xabbad ah ridi karin, ayna si caadi ah u wataan shaqooyinkii loo igmaday ee sugida amniga.

Warar aan helayno waxay sheegayaan inay socdaan wada hadalo lagu doonayo in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni dhawaan usoo magacaabay hay’adda PSF.

Madaxweyne Deni ayaa maalintii shalay sheegay in uusan wax gorgortan ka gali doonin xil ka qaadista lagu sameeyo saraakiisha xilalka haya, isagoo sheegay xilku inuusan ahayb mid qabiil leeyahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM