Wasaarada cayaaraha Puntland oo lagu eedeeyay is-dabamarin

Image

GAROWE, Puntland - Xubnaha Xiriirka kubadda Cagta Puntland ayaa wuxuu shaqada ka tagay Sabtida maanta ah, sida ay ka sheegeen shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

War-saxaafadeed ay ka akhriyeen kulan-warbaahineedkaas ayay ku sheegeen in ay shaqada ka wadi-waayeen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq.

Xiriirka kubadda cagta Puntland iyo Wasaarada cayaaraha ayaa ku guuldareystey iney wadaan cayaaraha gobolada kadib markii khilaaf iyo is- qabqabsi soo if-baxay ay xalin karin waayeen.

Dhanka kale, Wsaaradda Cayaaraha iyo Dhallinyarada Puntland oo go'aan ka soo saartay cayaartii Sanaag iyo Nugaal ayaa go'aamisey in dib loogu celiyo isla markaasna wax kama jiraan laga dhigo forfeit-kii ka siiyey Nugaal.

Tani ayaa timid waxyar kadib markii guddiga xiriirka kubada cagta Puntland is casiley kuwaas oo eedeeyey wasaarada cayaarha Puntland kana soo horjeestay ku celiska iyaddoo cuskanaya xeerka cayaaraha.

Geesta kale, koobka Puntland ayaa maanta markale u baaqday kadib markii Nugaal ay diidey iney dib u soo celiso sadexdii dhibcood ee la siiyey halka Sanaag ku adkeysaneyso in dib loogu celiyo cayaarta.

Xulalka Bari iyo Sool oo wasaaraddu ay amartay in ay maanta dheelaan ayaa iyana diiddey iyaga oo ku dooddey in xal laga gaadho cayaarta Sanaag iyo Nugaal oo natiijadoodu ku xidhan tahay.

Sida jadwalka Koobku yahay; saadanbe oo 16-ka bishan ah ayey tahay in la soo gebogebeeyo cayaaraha, garsoorayaasha oo Muqdisho ka yimidna waxaa lagu soo warramaya in xilligii ay laaban uu dhow yahay.

Cabashada oo kalkii hore ka timid gobolka Sanaag ayaa soo if-baxdey markii loo diidey in ay u dheelaan laba ciyaaryahan kuwaasoo la sheegay in ay qaateen laba kaar jaalle ah. "Markii doodaas ay timid waxay ayagana andacoodeen in Nugaal uu u dheelayo ciyaarhan qaba laba kaar digniin ah, waxaana lagu yiri caddeyn la yimaada," ayuu yiri sarkaal sarre.

Sikastaba ha ahaatee, Xiriirka iyo wasaaradda oo si weyn isugu milmay ayaa dhabaha waxay u xaartey in ay meesha ka baxdo madax-banaanida xiriirka waxaana ka dhashay caqabad sababtay wax-is-damarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM