Wasaradda waxbarashada Puntland oo arday u dirtey deeq waxbarasho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

30 Augusto, 2015(GO)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sagootisay 15 arday oo dalka Suudaan looga helay deeq waxbarasho.

Ardaydan ayaa kamid ahay kuwii dhameystay waxbarashada dugsiga sare sanadkii 2014 isla markaana galay kaalimaha sar-sare.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Abshir Yuusuf Ciise  ayaa sheegay  inay dadaal ugu jiraan sidii ardayda Puntland loogu heli lahaa fursad fursado waxbarsho oo dalka.

"Sida aad la socotaan maanta waxaan sagootinaynaa arday deeq waxbarasho ka helay dalka Sudan oo galay kaalimaha ugu sareeya, arintaan in badan ayaan dadaal ugu soo jirnay sidii loo horumarinlaaha waxbarashada Puntland, maanta ilaahay waxaan uu nagu guuleeyay inay Puntland kaalinta 1-aad kaga jirto waxbarashada Somalia" Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland.

Abshir waxa uu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan ka faa'ideysiga aqoonta ay heleen, slamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato haysata dhalinta Somaliyeed ee dalka dibadiisa waxbarasho u aada.
Deeqaha wabrasho ee ay helaan ardayda Puntland ayaa waxaa ay soo bilaabatay xilligii madaxwayne Cabdiraxmaan Farole xilka hayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM