Wasiir Gallan oo ka hadlay dilka ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish

Image

GAROWE, Puntland – Ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka bari, duhurnimadii Axada.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa xaqiijiyay Cabdixakiim Maxamed Ibraahim [Dhoqob] lagu khaarijiyay inta u dhaxeysa Xal-canood iyo Xiriiro.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa intaasi ku daray in weerarka cirka ah lala beegsaday gaari uu saarnaa Dhoqob iyo ruux kale oo aan wali la aqoonsan.

Warar ayaa sheegaya in shaqsiga kale uu ahaa darawalkiisa. "Labadooduba waxaa lagu dilay howlgalka," ayuu yiri wasiir Gallan.

Goobjooge magaciisa sababo amni u qariyay ayaa shaaciyay waxa ay indhahiisu qabteen. "Gaari gubtay markii gantaal lala dhacay," ayuu xusay.

Daacishta Soomaaliya waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga soo mid ahaa maleyshiaadka Al-Shabaab.

Bishii October 2015-kii ayuu kasoo goostay xoogaga, isaga oo balanqaaday in uu cilaaqaad la yeelanaya hogaamiyaha Daacish Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Dhoqob oo la sheegay in uu ahaa gacanta midig ee Muumin ayaa dhowr jeer kasoo muuqday muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshadda.

Muumin ayaa qudhiisu waxa uu weerar cirka ah ka badbaaday bishii November 2017-kii, xili uu ku dhuumaaleysanayay buurdaleyda gobolka Bari.

"Dilka mid kamida hogaamiyaashooda waxay dardargelinaysaa ciribtirkooda," ayuu wasiir Gallan hadalkiisu daba dhigay.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa nan wali ka fal-celin duqeyntaan oo noqoneysa tii saddexaad oo ay ku beegsadaan Daacishta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kaliya sanadkaan 2019 ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 30 howlgal oo cirka ah kuwaasi oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Daacishta ku sugan Soomaaliya oo haysata 200-300 dagaalame ayaa waxa uu dhowaanahaan xifaaltan kala dhaxeeyay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wacad ku martay in ay xididaha u siibi doonto Daacish oo ay ku eedaysay in ay "kala qaybineyso jihaadka."

Sidda laga soo xigtay saraakiil dhinaca amaanka ah, Daacish ayaa lumisay degaano badan oo ay gacan ku hayntooda la wareegtay kooxda xiriirka la leh ururwaynaha Al-Qaacida qaybo kamida Ciraaq iyo Suuriya ku xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM