Wasiir Juxa oo Puntland la doonaya kalitalisnimo, Federaalka ku eedeeyey

Image

GAROWE, Soomaaliya - Kadib markii golaha wadatashiga qaranku ay isla garteen in laga gudbo nidaamka baarlamaaniga loona gudbo nidaamka madaxweynaha, lana baabi’iyo jagada Ra’iisal wasaaraha, ayuu wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Juxa, ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu noqdo. "Siyaad Barre" cusub.

Wasiir Juxa ayaa tilmaamay in madaxda haatan talada haya aan loo dooran inay badalaan habka ay ku socoto dowladnimada balse loo dooraty in ay ku sii wadaan wadada la isla qaatay.

“Dalkan waa Mid, Federaal, DImuqraadi, intaas waa la isla qaatay, waa wadadii aan ku heshiinay, lagama aqbli doono Xasan Sheekh in uu wadadaas naga leexiyo”. ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale, hadaladan ayaa Baraha Bulshada ka helay dareen diidmo u badan, maadaama hadalka wasiirka uu gabi ahaanba khilaafsan yahay mowqifkiisa ku aaddan muranka siyaasadeed ee Puntland ka tagaan.

Wasiir Juxa waxa uu qeyb ka ahaa hanaanka doorasho ee hal dhinac oo ay dad badan ku tilmaameen cadaalad darro, maadaama uusan ahayn mid lagu heshiiyay, balse uu yahay mid uu muddo kororsi ku raadinayay madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Cabdullahi Deni.

Dhinaca kale is-badal sharci daro ah oo lagu sameeyey Dastuurka Puntland ayaa ka dhigey in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen toos loo soo doorto halka doorkii Barlamanka laga saarey meesha. 

Doorashooyinkaas ayaa lagu go’aaminayay dadka xaqa u leh codbixinta si baal marsan Sharciga, taasoo keentay in maamulka talada haya ay dadka deggan xeryaha barakacayaasha ku badsadaan codadka sida Warsidaha GO uu ka ogaaday ilo lagu kalsaoonaan karo.

Aragtiyadan is-diidan ee Wasiir Juxa ayaa lagu sababeeyay danaha gaarka u ah oo ka door badan danaha Puntland iyo xasiloonideeda siyaasadeed, halka dadka qaar ay qabaan in xaalka Puntland uu ka duwan yahay kan federaalka una baahan in laga eego xagal ka duwan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay in muddo kordhin hal dhinac ah loo sameeyay, taasoo ka hor imanaysa dastuurka, waxaana lagu tilmaamay inuu tolayo shaar isaga la eg’, isagoo taageero ka helaya wasiir Juxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM

Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay Madaxweynaha Puntland [Sawirro]

Shiinaha ayaa saameyn ku yeelanayay sanadihii dambe dalka Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Taiwan.

  • Puntland

    08-01-2025

  • 11:24AM