Wasiir Juxaa oo ku adkaystay in muddo xileedka loo kordhiyo Siciid Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweynaha mudda xilleedkiisu gabaabsiga yahay Saciid Cabdullaahi Deni aysan diyaar u ahayn in ay ka tanaasulaan mowqifkooda ku aadan doorashada.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay tixgelin doonin go’aamada ay soo saaraan Isimmada, maadaama uu khilaaf uu ka dhexeeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Khilaafka u dhaxeeya Isimmada Dhaqanka Puntland ayaa ka qoto-dheer kan u dhaxeeya siyaasiyiinteeda, go’aanka Isimmadana ma aheyn mid loo dhan yahay.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale khilaafka doorashada ku soo koobay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Nugaal, isagoo sheegay in xisbiyada oo kaliya ay saameyn ku yeelan karaan wax-ka-baddalka hannaanka doorashada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli inta badan ururada siyaasadeed ay ka soo horjaysteen hanaanka doorasho oo uu doonayo Madaxweyne Deni in uu muddo xileedkiisa ku korosado sida ay qabaan qaar ka mid ah Mucaaridka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM