Wasiir Karaash oo Bosaso gaarey, maxay tahay ujeedadu? [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi "Karaash" ayaa safar shaqo ku tegey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Karaash oo saxaafadda la hadlay markii uu Bosaso gaarey, ayaa ka war bixiyay ujeedada safarkiisa, wuxuuna sheegay in uu salka ku hayo dhismaha golaha deegaanka ee Bosaso iyo weliba kulamo uu la qaadan doono wakiillo ka socda Qaramada Midoobey iyo hay'adaha samafalka.

Wasiirku wuxuu dhanka kale baaq u diray isimmada iyo waxgaradka degmada Bosaso, isagoo ka codsaday inay soo dedejiyaan soo xulista xildhibaannada cusub ee golaha deegaanka.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ee Bosaso ayaa kusoo aadaysa xilli isla maaanta uu magaalada Bosaso kusoo wajahan yahay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaaliya Raisedo Zerenga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM