​Wasiir katirsan xukuumadda Puntland oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiir katirsan dowladdda Puntland, ayaa shaqadii katagay kadib markii uu is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo aqbalay sida wararku sheegayaan.

Wasiiru dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Macalin Cumar ayaa ku dhawaaqay inuu jagadaasi katagay, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo arrinta rasmiga ah ee ka dambaysay shaqo katagistiisa.

Tallaabadan ayaa loo badinayaa isku-shaandhayn uu wado Madaxweyne Gaas inuu ku sameeyo golihiisa wasiirrada.

Cabaas, ayaa safarro kala duwan waddanka dibadiisa ugu baxay, ayaa keenay deeqo kala duwan, kuwaasoo warar madaxbannaan sheegayaan inaan loo gudbin goobihii loogu talo galay, taasina la xiriirto is-casilaadiisa.

Xiriiro aan la samaynay, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo tallaabadan uu shaqada kaga tagay.

Madaxtooyada Puntland ilaa hadda kama aysan hadlin qorshaha wasiirkii labaad muddo todobaad gudaheed oo isu casilayo.

Dhawaan, waxaa is-casilay wasiirkii Warfaafinta Maxamud Xasan Soocadde, oo isna sababta ku sheegay arrimo u gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM