Wasiir Xaamud: Farmaajo kama nasan burburinta Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha waqti ka dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo maamulkiisa waxay waqti badan geliyeen labadii sano ee lasoo dhaafay "burburinta nidaamka Puntland," sidda uu shaaca ka dhigay Cawil Sheekh Xaamud, oo ah wasiirka dastuurka iyo cadaaladda dowladda Puntland.

Isaga oo ka hadlaayey kulan uu xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ay magaalada caasimadda ah ee Garowe kula yeesheen odayaasha ama Isimadda dhaqanka, wasiirka ayaa sheegay in maamulk Farmaajo uu malaayiin Doolar "ku bixiyo sidii uu dayaacad uga faafin lahaa Puntland".

Intii uu la hadlayey odayaasha, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka Farmaajo isku dayay in uu ku dhex-milmo siyaasadda Puntland, isaga oo ku booriyey dhaqanka in ay garab istaagaan xukuumadda Deni.

"Dowladdo daciif ah"

Mr Xaamud oo ay wehliyeen wasiiro kale ayaa carabka ku dhuftay in maamulka Farmaajo uu ku talagalkiisu ahaa in Puntland uu "ka dhigo sidda dowladaha daciifka ah ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirSabelle".

"Afartii sano ee Farmaajo xukunka hayey wuxuu dagaal ku haayey Puntland. Xaqiiqda in aan wajahno waaye. Meelo badan buu damcay in uu naga soo galo. Labadii sano iyo dhowrka bilood ee lasoo dhaafay ee ay jirtay xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, madaxwayne Farmaajo iyo kooxdiisa kama nasan sidii uu u burburin lahaayeen [dowladda] Puntland. Intaas oo dhan jiraan, Ilaahey mahadiis waa fashilantay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Iyaddoo qofna la amaaneyn, haddii madaxwayne Deni uusan maya yiraahdeen maanta waxaan lamid noqon lahayn HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed – Dowlado daciif ah, meel ay maamulaan aysan jirin, dadkoodii la kala kaxeystay, ninkii la doono meeshii la rabo loo dhiibto, ninkii la doono la ceyriyo ayaynu ahaan lahayn. Xaqiiqda jirta waaye".

Villa Soomaaliyada "cusub"

Wasiirka oo kamid ahaa wafdigii madaxwayne Deni ku wehliyey safarkiisa caasimada Muqdisho ayaa hoyga uu madaxweynuhu ka degan yahay wuxuu ku sifeeyay in ay isku rogtay Villa Soomaaliyadda cusub.

"Aniga oo aysan iga ahayn ammaan. Goobta madaxwayne Deni ka degan yahay Muqdisho ayaa hadda ah Villa Soomaaliya. Ajnabi iyo Soomaali halkaasaa la isugu tagaa," ayuu tibaaxay. "Waxaan maamuuskaas ku helnay in aan no ku niri Farmaajo iyo qorshihiisa federaal diidnimadda kamid tahay".

Maamulka Farmaajo oo awood dhaqaale, ciidan iyo mid dowladeed u adeegsaday sidii uu meesha uga saari lahaa nidaamka ay Soomaali ku heshiisay ee federaalka ayaa ku fashilmay in uu dalka ka qabto doorashooyin lagu heshiiyey kahor dhamaadka muddo xileedkiisa oo laga joogo ku dhowaad laba bilood.

Caradda HirShabelle

Wasaaradda Cadaaladda HirShabelle oo carro ka muujisay hadalka wasiir Xaamud si gaar ah in maamulada taabacsan Villa Soomaaiya uu dhaleeceeyay ayaa ku tilmaamtay "gef" iyo "is-faanin", waxaana ay war-saxaafadeed ku shaacisay in ay "uga tacsiyeyneyso shacabka dowlad goboleedyadda uu u gefay".

Dhawaqa wasiir Xaamud ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Farmaajo uu hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle uu ku cadaadiyey in aysan ka qeybgelin shir Beesha Caalamka u qaban-qaabisay dowlad goboleedyadda six al loogu helo is-mari-waaga doorashooyinka.

Kulankaas oo dhici lahaa galabnimadii Khamiista ayaa dib ugu dhacay fiidnimadii, balse waxaa ka baaqdey diblumaasiyiinta oo Villa Soomaaliya ay si weyn u diidaneyd in ay kasoo muuqdaan wadahadaladaas masiiriga ah.

Illo wareedyo ku dhow dhinacyadda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in uusan jirin ajande buuran oo madaxda isla soo qaadey isla markaana fadhiga uu ku koobnaa salaam iyo wada-sheekeysi una balameen shirar kale isla markaana u badan tahay in kulanka kale ay wadahadalka ku wehliso Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM