Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo is-casilay xilli Gaas is-sharxay

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima Cadde] oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe, saaka oo Arbaco ah, ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Gaas.

Xirsi oo warqadda is-casilaaddiisa u gudbiyay Madaxwayne Cabdiweli Gaas ayaan fahfaahin sababta uu shaqadda uga tagay, balse kusoo koobay sababo isaga u gaar ah.

“Waxaan saaka idinku yeeray [warbaahinta] inaan u sheego shacabka Soomaaliyeed iyo reer Puntland, inaan iska casilay xilkii aan hayey oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, muddo sanad iyo afar bilood ah,” ayuu yiri Tima Cadde.

Cadullaahi Xirsi ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland – Sanadkii 2015-kii waxuu ka noqday maamulka Cabdiweli Gaas Wasiirka Beeraha.

Sanadkii 2017-kii, Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima Cadde] ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose, xilkaasi oo uu maanta ka dhawaajiyay inuu baneeyay.

Is-casilaadiisa ayaa kusoo aadaysa xili Puntland ay galeysa 8-da bisha January ee sanadka 2019-ka doorashadda Madaxtinimadda xili warar soo baxaya ay sheegayaan in Xirsi uu halkaasi damac uga jiro, oo isasa soo sharxi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM