Wasiirka Beeraha Puntland: Xasan Sheekh wuxuu ka shaqaynayaa kala qaybinta bulshada Soomaaliyeed

Image
Wasiirka oo wareysi siiyay Aljazeera, ayaa dhaliilay go’aanada halka dhinac ah ee dowladda Federaalka.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Beeraha ee Puntland Maxamed Cabdiqaadir Saalax oo wareysi siiyay Al-Jazeera ayaa ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland ee la xiriira arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Wasiirka oo ka hadlay mowqifka Puntland, ayaa sheegay inay saluugsan yihiin go’aankan halka dhinac ah ee ay qaateen madaxda federaalka.

Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Saalax ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taaganayd qabya-tirka Dastuurka, isaga oo intaa ku daray in ay ahayd in Dastuurka laga beddelo qodobo kooban balse Dowladda Fedraalka ay abuurtay dastuur Cusub.

Wuxuu intaa ku daray in dastuurka KMG uu qeexayo hanaanka ay tahay in loo maro furista dastuurka, kaas oo ay Dowladda Federaalka baal martay.

“Waxay ahayd in diirada la saaro la dagaalanka argagaxisada, taa beddelkeeda Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa waxa ay ka shqeeyeen kala qeybinta bulshada,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Donyale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horreeya dastuurka, oo ka mid ah qodobo taabanaya doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda, kaasoo ay ka biyo diideen Puntland iyo siyaasiyiin saameyn leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM