Wasiirka caafimaadka Puntland oo gaarey magaalada Galdogob

Image

23 August, 2015 (GO)- Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa gaarey manata gaarey magaalada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Waftiga wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasiga ah iyo saraakiil ka tirsan wasaarada.

Wasiir Naasir cuuke oo dhowaan xilkaan loo magacaabey ayaa booqashadiisu la xiriirta sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada caafimaad ee gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Mudane Cuuke ayaa dhowaan booqasho ku tagey gobolada bari isagoo halkaas kula kulmey bulshada ku nool islamrkaana u kuur galey xaaladooda caafimaad.

Wasaarada caafimaadka Puntland oo waxqabadkeedu kor u kacey lixdii sano ee ugu dambeysay ayaa kamid ah hay'adaha dowliga ee fara-kutiriska ah ee sida loo ogmadey u qabsado howl-maalmeedkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo beenisay in ay cagaf-cagaf ka heshay dowladda federaalka

Tani ayaa waxay muujineysaa in mashruucan lagu marin-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

  • Puntland

    07-01-2025

  • 06:32AM

Cumar C/rashiid oo baaq u diray Dowladda federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya aaaa Puntland ku bogaadiyay la dagaalanka argagxisada.

  • Puntland

    04-01-2025

  • 10:49AM